AKHRISO:- Somaliland oo War cusub kasoo saartay dagaalka Laas-Caanood

0

Somaliland ayaa si xoogan uga hadashay dagaalka Maanta ka dhacay duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu yiri” Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fariisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaas oo ahaa mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaaray Ciidamada Qaranka”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay kaga jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska cabin ayna cadaynayso in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.

Dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee la Magac baxay SSC ku dhexmaraya duleedka magaalada Laas-Caanood ayaa loo waayay wx xal ah, iyada oo dhinacyadu ay dhegaha ka fureysteen baaqyada uga imaanaya Caalamka.