AKHRISO:- Duqa degmada laascaanood oo Eedeeyn u Jeediyay Somaliland

0

Duqa Magaalada laascood ee xarunt gobolka Sool Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa shir jaraa’id Waxaa uu uga warramay khsaraaha ka dhashay dadaalkii iyo duqaymihii ka dhacaylaascaanood.

Duqa laascaanood ayaa sheegay in dad shacab ah oo gaaraya 210 Ruux ay ku geeriyoodeen colaada Laascaanood, sidoo kale dad gaaraya 680 kalena ay ku dhaawacmeen Waxaana ku barakacay 200,000 laba boqol kun oo qoysas guryona waa ay ku bur bureen ayuu yiri duqa degmada laascaanood.

Sidoo kale’ duqa degmada laascaanood ayaa Tilmaamay xafiisyada Maamulka , iyo isbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo ka mid ah burbureen, waxana uu ku eedeeyay ciidamadda in ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee magaalada waxana uu beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan punland iyo dawlada federaalka ay ka qayb qaateen dagaalka laascaanood.