AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo taageero hor leh weydiisatay Ururka Iskaashiga Islaamka

0

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa kulan la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Bani-aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay beeralayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Huruuse iyo wafdiga ayaa isla soo hadal qaaday taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada midoobay.

Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo dalka uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.