AKHRISO:- Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galaya Shirka Baarlamaannada dalalka Carbeed

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay Caasimada dalka Ciraaq ee Magaalada Baqdaad.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ugu qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta oo loo madlanyahay inuu ka furmo magalada Baqdaad.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxaa uu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Shirka Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta ayaa sanad walba la qabtaa, iyada oo looga hadlo arrimo ku saabsan dhibaatooyinka kajira dalalka ay colaadaha kajiraan oo ay kamid tahay Soomaaliya.