AKHRISO:- Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay shir ka yeeshaan xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya

Shirka ayaa waxaa warbixino ku saabsan xaaladda Soomaaliya looga dhaveysan doonaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wado dowladda Soomaaliya iyo dagaallada ka socda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Safiirada dalalka Caalamka u jooga Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankooda warbixino ka jeedin doona Shirka, kuwaas oo siweyn kaga hadli doona xaaladda Soomaaliya, sida, Amniga iyo Abaaraha, iyaga oo qaarkood balan qaadyo sameyn doona.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac xoogan ka muujinayay dagaalada ka socda magalada Laas-Caanood, iyaga oo dhowr jeer kasoo saaray baaqyo ku aadan in colaada la joojiyo.