AKHRISO:- Faah Faahino laga helayo dagaal xooggan oo ka socda gobolka Hiiraan

0

Dagaal u dhexeya Ciidamadda dawladda Federaalka oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Alshabaab ayaa ka socda gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa hadda ka socda degaanka Afcad oo u dhaxeeya Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka dawlada Federaalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ka war heleen xog ku saabsan in Alshabaab oo qorsheeynaya inay weeraraan deegaanka Afcad islamarkaana ay uga hortageen duleedka deegaankaas oo uu dagaalka ka socda lama sheegin khasaare ka dhashay dagaalka .

Hase ‘ ahaatee Ciidamadda dawalada Federaalka iyo kuwa degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa kordhiyay hawlgallada ka dhan ka ah Alshabaab