AKHRISO:- Faah faahin: Al-Shabaab oo weeraray Saldhig kuyaalla Jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo Ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ku dhexmaray degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada oo degaanka Baar-sanguuni oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay u sheegeen Warbaahinta Ciidamada qalabka sida inay ka hprtageen ayna fashiliyeen weerarkii kaa yimid dhinaca Al-Shabaab, sidoo kalena khasaaro xoogana ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkii ay la galeen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Saraakiisha in ciidamada oo ka war hayay isku dayga Al-Shabaab ay fashiliyeen weerarkoodii isla markaana Xubno badan looga dilay goobta gaadiid dagaalna looga gubay.

Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay weerarka ayaa waxaa ay sheegeen inay kudileen 36 askari 1 kalena ku dhaawaceen, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab.