AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya

0

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Shirkaan ayaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xaaladaha deegaanada la xoreeyay iyo dardargalinta barnaamijka xasilinta oo muhiim u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka uga warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-Shabaab oo laga saaray degmooyin iyo deegaano badan oo muddo fog ay maamulayeen.

Madaxweynaha ayaa wakiilada beesha caalamka ee taageera Soomaaliya la wadaagay dardargalinta iyo xoojinta barnaamijka xasilinta ee laga fulinayo deegaanada iyo degmooyinka la xoreeyay si bulshadu u hesho adeegyada muhiimka ah Dowladda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kulankaan muhiimka ah ay ku weheliyeen Wasiiradiisa Arrimaha Gudaha, Amniga, Qorsheynta, iyo Haweenka iyo Xuuqul Insaanka ayaa bogaadiyay doorka saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay la garab taagan yihiin Hirshabeelle.