AKHRISO:- Dawlada Jabuuti oo ka hadashay dagaalka Laascaanood ka socda

0

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood Waxana ay sheegtay Dawlada uu hoggaaimiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay had iyo jeer u ololeynayso nabadda gobolka ayna marna faragelin arrimaha gudaha ee dalalka ay dariska yihiin.

Qoraal uu bartiisa twitter ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku yiri: “Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada.”

Hase ‘ ahaatee’ Dagaalka Laasacaanood ka socda ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana bar bar socda madaafiicx culus oo ku dhaceysa xaafadaha magaalada.