AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay dilka Nabaddoonka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo xalay Kooxo hubeysnaa ay ku dileen Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdiraxmaan uu kaalin mug leh kasoo qaatay Maamul u sameyntii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka Nabaddoonka oo sidoo kale kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.