AKHRISO:- Faah Faahino ka soo baxaya dagaal ka socda duleedka Magaalada Laascaanood

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal uu maalintii todobaad uu ka socdo duleedka Laascaanood.

Dagaalka ayaa u dhexeya Ciidamada Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka waxaana bar bar socda duqaymo aan kala joogsi lahayn oo loo geysanayo goobaha dadka rayidka ah ay joogaan.

Ciidamada Soomaliland ayaa lagu Eedeeyay in madaafiic ay la beegsanayaan goobaha dadka shacabka ay ku sugan waxana duqaynta ka dhashay waxyeelo kala duwan .

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka maanta ka socda duleedka Magaaladacaanood uu ka cululs kii lixdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay halkaas waxaana jira sida wararku ay sheegayaan khasaare soo kala gaaray dhinacyada in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray .