AKHRISO:- Somaliland oo markale sheegtay in la soo weeraray kuna baaqday nabad

0

Somaliland ayaa sheegtay in, iyada oo la isku dayay in xiisadda la dejiyo, lagana fogaado rabshado aan loo meel dayin oo ka dhaca magaalada Laascaanood ay amar ku bixisay in dhammaan ciidamada dawladda laga saaro magaalada oo dib loogu celiyo xeryahooda duleedka magaalada ah oo ay ku sugan yihiin fariisin, balse lagu soo weeraray.

Qoraal kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in uu jiray weerar aan loo meel dayin oo ay canaasiirta argagixisadu ku qaadeen xeryaha dawladda iyo ciidamada saacadihii hore ee Febraayo 6, 2023, walina waa socdaa ilaa hadda. Si taas loo gaaro, ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Laascaanood, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay sii wadaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha magaalada.

Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay oo ay sii waddaa in aanay carqaladayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, layrka, internetka, qalabka caafimaadka oo ay dawooyinku ka mid yihiin, iyo ta ugu muhiimsan, in nabadgelyadu ay heli karaan dadka reer Laascaanood.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u beenisay eedaymaha Internet-ka lagu faafiyay ee ahaa in Xukuumaddu is-hortaagtay ama jartay wax kasta oo Aas aasi ah, isla markaana ay Ciidammada Ammaanku dhibaato naf iyo maalba ah ka geysteen gudaha magaalada Laascaanood.

Intaa waxaa dheer, sawirada burburinta kaabayaasha muhiimka ah sida isbitaallada, iskuulada, goobaha cibaadada, meheradaha iwm ee internetka lagu dhejiyay ayaa ah sawirro laga soo qaaday dalal kale. Raadinta fudud ee google-ka ayaa cadeyn doonta halka ay ka yimaadeen iyo xaqiiqadooda ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Ugu dambayntii, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay halkan ka caddaynayo in ay ka go’an tahay, isla markaana ay mar walba ka shaqayn doonto nabadaynta iyo xasiloonida magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada kale ee Somaliland, ayna si cad u qeexeen shirkii ugu dambeeyay ee golaha Wasiirrada ee uu madaxweynuhu guddoominayay.