AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & kuxigeenka Xoghayaha difaaca Talyaaniga?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka waxa loogu yerro argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay Al-Shabaa dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro dagaalka ka dhanka ah.