AKHRISO:- Guddoomiye Aadan Madoobe oo Midowga Musharixiinka KGS kala hadlay dardargelinta shirka dib u heshiisiinta

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS, waxaana uu kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay ururada haweenka Degmada Baydhabo, Gobolka Baay iyo ururada bulshada rayidka.

Ururka Haweenka iyo kuwa bulshada rayidka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaaneen dadaalka horumarineed ee bulshada iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana ay tilmaameen in lagu guuleysan doono gogosha taala magalada Baydhabo si dadka deegaanka ay u heleen nabad iyo xasilooni.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ku amaanay in ay laf dhabar u yihiin hana-qaadka dowladnimada dalka, iyagoo haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin in loo mahadceliyo si ay u xoojiyaan kaalinta bulshada ku leeyihiin ay u laba jibaaraan.