AKHRISO:- Doon siday Xoolo laga dhoofiyay Soomaaliya oo degtay

0

Doonida oo habeenkii Isniinta ka shiraacatay Somalia waxay Boqolaal Neef oo Lo’ ah u waday dalka Yemen, balse Ilo Maxali ayaa sheegay in Doonida ku degtay meel 45 miles u jirta Xeebaha magaalladda Berbera.

Ilaa 12 Badmaaxiin ayaa la socday Doonida degtay, kuwaasi oo 5 ka mid ah u dhasheen Yemen, halka 5 kale ka soo jeedaan dalka Hindi iyo 2 Somali ah.

Ganacsade u dhashay dalka Hindiya ayaa lahaa Doonida degtay oo lagu magacaabi jirey Al-Marwa, taasi oo Shixnadaha Xoolaha iyo Badeecdaha kale u kala daabuli jirtay Somalia ilaa Yemen.

Dhanka kale, dabaylo xoogan ayaa la sheegay inay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ku dhufteen Koonfurta iyo Galbeedka Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Baab Al-Mandab taasi oo sababtay inay Doonida Xoolaha waday degto.

Hay’adda Saadaasha Hawada ee Yemen waxay uga digtay Kalluumeysatada dabaylaha ka dhacayo xeebaha Galbeedka iyo Koonfurta Badda Cas ee khatarta gelin karta Noloshooda iyo doonyahooda.

Xawaaraha dabaysha ee Xeebaha Galbeedka dalkaasi, waxay gaartay 60 KM/Saacadiiba, waxaana taasi ay cabso xoogan ku abuurtay dadka kalluumeysatada ah, kuwaas oo hadda cabsi ka qaba inay dhibaato kasoo gaarto dabeysaha.