AKHRISO:- War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan ka dhacay magaalada Muqdishi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa looguna midoobi lahaa dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab iyo sidii loo wiiqi lahaa awooddeeda gudaha Soomaaliya iyo gobolka.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale madaxda isku raaceen in la sameeyo howlgal wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin Al-Shabaab si gebi ahaanba Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo Al-Shabaab, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu heshiiyey in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasi oo lagu baadigoobayo laguna burburinayo Al-Shabaab, howlgalkaasi oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ololahan xasaasiga ah ee waqtigiisa ku imanaya ayaa ka hortagaya in ay u gudbaan gobolka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee Ciidamma Xoogga Dalka iyo in kor loo qaado awoodda hub ee cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka ee hadda howlgala.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in ay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyey Al-Shabaab si loogu fududeeyo dowladda federaalka inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah iyo fidinta maamulkeeda.