AKHRISO:- Dacwad laga gudbiyay Maamulka Madaxweyne Biden

0

Illaa Labaatan gobol oo ka tirsan Maraykanka oo leh xeer ilaaliyayaal guud oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dacweeyay maamulka Biden, isbedellada waaweyn ee uu ku sameeyey siyaasadda socdaalka taasoo ay sheegeen, inay siyaasadda uu bedelay ay ka hortagaysay muhaajiriinta, balse ay weli u oggolaanaysay illaa 360,000 oo muhaajiriin ahi inay si sharci ah u soo galaan Maraykanka sannadkasta, kuwaas oo ka imaanaya Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela.

Dacwadda, oo loo gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taal Texas, ayaa ku eedaysay maamulka Biden inuu si sabab la’aan ah u abuuray isbedellada uu sameeyey dhowaan iyo ka tallaabis awoodeed.

Hormuudka kooxda dacwadda gudbiyey waxaa ka mid ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Texan Ken Paxton, kaasoo hore ugu guulaystay inuu si ku meel gaar ah u joojiyo sharciyada cusub ee dhinaca socdaalka ee hoosyimaadda madaxweyne Joe Biden.

Waaxda arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaan weli ka jawaabin tallaabadaan.