AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo War kasoo saaray weerarkii ka dhacay Xawaadleey

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxaristee Taliyihii Guutada 3aad Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Marxuum Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqeey) iyo ciidamadii kale ee saakay ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu geeriyooday xili uu gudanayay waajibaadkii qaran ee ka saarna difaacida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahayd dagaaladii Al-Shabaab looga saaray Magaalada Muqdisho iyo degmooyinka xorta ah ee Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha tilmaamay in Al-Shabaab khasaaro xoogan kasoo gaaray dagaalada socda, isagoo bulshada Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay marxuumka iyo raggii kale ee la dhintay inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.