AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay la wareegitaanka degaanka Ceelhuur

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray qabashada Maanta ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee degaanka Ceelhuur oo u dhow degmada Xarardheere.

“Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka qalabka sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo gabi ahaanba laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.