AKHRISO:- Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas

0

Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay labo qarax oo baabuur oo Arbacadii ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Xiseen Ibraahim Taha ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay si weyn u cambaareynayaan weerarkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.

Barqanimadii Arbacadii Al Shabaab ayaa weerar labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo weerarku uu ku qaaday deegaan ka kooban guryo, maqaayado iyo dukaamo, waxaana ku dhintay 35 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.