AKHRISO:- Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gaalkacyo

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Maanta waxaa ay rasaas ku fureen dad fadhiyay Goob Ganacsi oo kutaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu Maamulo Maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen dadkaas oo la sheegay in dhammaantood ay ahaayeen Dhalinyaro ehel ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in falkaan uu salka ku haayo arrimo ku saabsan dilal aanooyin qabiil ah oo ka dhacay Gobolka Mudug, isla markaana maleeshiyaadkii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan Booliska Puntland ayaa tegay goobta uu weerarka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigi doonaan dadka weerarka geystay.

Degaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolka Mudug oo ay kala Maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dagaal Beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo ay ku guuldareysteen inay waxka qabtaan falalkaas labada Maamul.