AKHRISO:- Xusuuqa Somaliland ee Lascanood & Kacdoonka Shacabka

0

Magaaladda Laascanood ee xarunta Gobalka Sool waxaa ka bilowday kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Maamulka Somalidiidka ee la baxay somaliland,waxaana ku dhawaad 4 berri kasocda Banaabaxyo waaweyn oo la isaga dulqaadayo Cadowga somaliland.

Ciidanka Somaliland ayaa shacabka Banaanbaxaya u adeegsanaya Rasaas nool nool,waxaana kacdoonka shacabka uu ka bilowday kadib markii maamulka somalidiidka ee somaliland ay dileen qaar kamid ah Haldoorka Gobalka Sool, gaar ahaan Beelweynta dhulbahante,taas oo ka caraysiisay kumanaan shacab ah oo kunool Magaladda Lascanood,

Qaar kamid ah deganadda SSC Waxaa ka bilowday diyaar garowgii ugu dambeyeey ee ku aadan sidii la isaga cayrin lahaa maamulka somalidiidka ah ee somaliland,oo tan iyo markii uu Puntland ka qabsadday Lascanood gumaad xoogan u geysanayeey waxgaradka Gobalka.

Qaar kamid ah wasiiraddi iyo Masuuliyiintii Jagadda ka ahayeey Maamulkaas ayaa durba bilaabay is casilaad,iyaggo ka carooday gumaadka shacabka lagu hayo,waxaaana soo baxaya in ay jiraan saraakil kale oo ku wajahan lascanood.

ilaa caawa waxaa socda oo shacabku la wareegeen qaar kamid ah fagaarasha waaweyn ee lascanood,waxaana maamulka somaliland uu jaray internet-kii,iyaddo boqolaal dhalinyaro ah ay baahinayeen,sidda ay calanka maamulka khaatumo

Sido kale Qaar kamid ah qurbajoogta deganadda SSC ayaa barraha Bulashadda ka bilaabay kacdoonkooda,iyago cod dheer ku tageeraya shacabka doonaya inay iska dulqaadan Maamulka somaliland.

Bananbaxyadan la isaga dulqaadayo Somalidiidka,waxay shacabku shegeen inay sii socon donaan,kuwaas oo guud ahaan looga saarayo somaliland gobalka Sool.

Puntland siiba madaxweyne kuxigeenka Axmed Karaash oo Maanta hadlay ayaa sheegay inuu ka xunyahay xasuuqa shacabka lascanood,balse qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay inaan xiligan haddal loo bahnayn balse ficil loo bahanyahay.

dhinacooda Xildhibaano iyo siyaasiyiin ku abtirsadda Beelweynta dhulbahante oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhinacooda Jabuuti ku edeyeey inay Somaliland ku wareejisay hubka lagu gumaadayo shacabka.

wali waxaan si dhab ah u cadeyn doorka Puntland ay ka qaadan doonto xoreynta gobalka Sool,inkasto horey loogala wareegay Puntland Magaalo Muhiim u ahayd shacabka gobalka Sool.

Banaanbaxayadda waa kuwo wali sii socda,waxaana saacadaha soo socda la filayaa inay bananbaxa kusoo biiran masuuliyiin xilal sarsare ka hayeey Maamulka Somalidiidka ah ee Somaliland la baxay.