AKHRISO:- Dowladda oo beri joojineysa duulimaadyada radika ee Garoonka Muqdisho

0

Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay maalinta berri ah duulimaadyadi shacabka ee garoonka Aaden Cadde sababo la xiriira wufuud ka kala socda Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo dalka imaanaya.

Madaxda imaaneysa waxaa ugu sarreeya madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halka la filayo Kenya inuu ka yimaado wasiirka Difaaca Kenya Aaden Barre Ducaale, halka Itoobiya uu ka imaan doono madaxweyne Mustafa Cagjar

Wufuudan ayaa ka qayb gelaya furitaanka Xarunta Akadeemiyada Af-soomaaliga ee laga dhisay Muqdisho.