AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay howlgal ka dhacay duleedka Aadan Yabaal

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada degaanka ayaa howlgal qorsheeysan ku dilay 14 xubnood oo isugu jiray Madax iyo Xubno katirsan Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ka dhacay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe,.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta u sheegay in xubnaha la dilay laga war helay xilli ay ku jireen is aruursi ay kusoo weerari rabeen degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa ka saaray dhawaan Shabaab magaalooyinka muhiimka ah ee Gobalka Shabeellaha dhexe ah.