AKHRISO:- Wasiirka Gaashaandhigga Oo Addis Ababa Kula Kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya.

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka aan bada leheyn ee Itoobiya ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta dowladdaas.

Wasiirka kulankiisii u horeeyay waxa uu la qaatay General Birhanu Jula oo ah taliyaha ciidanka difaaca wadankaasi Itoobiya, iyadoo kulankaasi uu kusoo dhamaaday is fahan.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey Taliyaha Ciidanka Difaaca Ethopia Field Marshal General Birhanu Jula” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook kulankaasi ku faah faahiyay.

General Birhanu Jula iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii iskaashi ay uga sameyn lahaaheen cirirbtirka kooxda Shabaab oo labada dalba caqabad amni ku ah.

“Waxaan ka wada hadalney Amniga Gobolka iyo sidii laysaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaarijta Alshabaab” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka.

Dowladda federaalka ayaa haatan u jiheysatay dagaal dalka looga xoreynayo Al-Shababa, waxaana ka qayb qaadanaya shacabka, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda, kulanka Addis ayaa qeyb ka ah taageerada caalamiga ah ee dowladda u raadineyso gulufkan.