AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Maanta ku dhexmaray degaanka Mabaax oo hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Al-Shabaab ee degaanka Mubaax, waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay weerarkaasi Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xooggan isla markaana aay ka dileen 20 ruux dhaawacana intaasi uu ka badanyahay wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegada warkaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidanka dib u xureynta degaanka ee weerarka qorsheeysan fuliyay ay dib ugu laabteen fariisinkoodii, iyaga oo sheegay inay guul ka gaareen howlgalkoodii.

Dagaalka saaka ka dhacay degaanka Mabaax oo hoostaga degmada Moqokori ayaa kusoo aadaya xilli howlgalladii ka socday gobolka Hiiraan ay istaageen kadib makii dowladda Soomaaliya ay muqdisho keentay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo howlgalka hoggaaminayay.