AKHRISO:- Ciidamo loogu talo galay la dagaalanka Al-Shabaab oo la soo bandhigay

0

Ugu yaraan 30 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo badan oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Ciidankaan ayaa loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada lagu doonayo in Al-Shabaa looga saaro degaannada kuyaalla bariga gobolka Galgaduud.

Saraakiisha & Mas’uuliuiinta kale ee la socota Ciidamada ayaa sheegay in hadda loo diyaarsan yahay iska xorreynta Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay howlgelli doonaan.

Dhawaan Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaatay ayaa la wareegay degaano kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduuda, sida Wabxo, Warxoolo & degaano kale wallow ay dib uga soo baxeen.