AKHRISO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo Madaxda dowladda ka dalbaday in laga taageero la dagaalanka Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka safarkiisa Magaalada Muqdisho iyo kulamada la filayo in uu la qaato Madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Madaxda sare ee dowladda ay la wadaagaan guulihii laga gaaray howlagalladii ka socday Gobolka Hiiraan iyo waxka bedelka qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan wuxuu sheegay in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ku guuleysteen inay degaannada Bari ee Gobolka Hiiraan ka saaraan Al-Shabaab, balse ay weli ku dambeeyaan degaannada Webiga ee Galbeedka Beledweyne.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan wuxuu sheegay in howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan uusan joogsan doonin ilaa guud ahaan degaannada Gobolka Hiiraan ay kaga suagn yihiin Al-Shabaab laga saari doono.