AKHRISO:- Kenya oo sheegtay in Al-Shabaab ay Gaari caafimaad & dadkii la socday ka afduubteen xadka Somalia

0

War kasoo baxay Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Xubno katirsan Al-Shabaab ay ka afduubteen gaari caafimaad & dad bukaan ah oo uu siday meel dhowr tallaabo u jirta xadka ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.

Waxaa ay sheegeen in tirada dadka la afduubtay ay gaarayaan ilaa Afar Ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen darawaliin iyo hal Bukaan ah, xilli ay marayeen meel u dhow degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Weerarka afduubka ah oo ahaa mid jidgal ah ayay Al-Shabaab ku qaadeen gaari nooca kuwa gargaarka ah ee Ambulance oo uu leeyahay maamulka Mandera, xilli qofka bukaanka ah loo waday isbitaal ku yaalla magaalada Mandheera.

Warar la helay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay gaariga la soo aadeen dhinaca Soomaaliya, iyada oo ehellada dadka la afduubtay ay sheegeen in ilaa iyo hadda ay la’yihiin xiriirkooda.

Dadka Alshabaab afduubatay ayaa waxay kala yihiin: Bukaan 40-sano jir ah oo lagu magacaabo Mowliid Cabdi, Darawalkii Gaariga Xasan Shacbaan, iyo laba shaqaale caafimaad ah oo ka tirsan Isbitalka Lafey Cabdirashid Billow Xuseen and Aadan Dhay, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan baaritaano laxiriira sidii loo soo badbaadin lahaa dadkaasi la afduubtay iyo Gaariga, iyaga oo kaashanaya Maamulka degmada Ceelwaaq Soomaaliya.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay soo galeen meelo kamid ah Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxaa ay weeraro ka fulinayeen gudaha iyo daafaha dalka Kenya, kuwaas oo qaarkood lagu dilay muwaadiniin Kenyan ah iyo Ajaanibta ku dhex nool.