AKHRISO:- Soomaaliya & Kuwait oo ka wada hadlay dhibaatadii ka dhalatay qaraxyadii Soobe

0

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa kulan kula qaatay caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiirka Arrimah dibedda Soomaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada Al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee ku saabsan qaraxyadii Soobe.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadlen arrimaha Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.

labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga.