AKHRISO:- Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Golaha wadatashiga Qaran

0

Kadib markii Golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya shirkoodii shalay ay kusoo gaba-gabeyeen magaalada muqdisho qodobadii ay kasoo saareen uu kamid ahaa qodob ugu baaqayay madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ayaa waxaa Somaliland ay deg deg uga jawaabtay hadalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin Golaha wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu dilayo.

Wuxuu sheegay in mar walba la iska dilo Golaha wadatashiga qaran, taas bedelkeedana looga baahan yahay inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga dilaya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Madaxda dowladda Soomaaliya aysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland, isla markaana tooda kaliya ay ku ekaadaan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka jawaabay war-murtiyeedkii madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa yiri: “Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna”.

Somaliland ayaa mar walba ka jawaabta hadallada iyo go’aanada kasoo baxa Dowladda Soomaaliya eek u saabsan arrimaah Somaliland, iyaga oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.