AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh” Mar dambe qaraxyo Bisha Octoober ma dhici doonaan”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay ka geysteen, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen dad Shacab ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay wiiqi doonaan awooda Ururka Al-Shabaab, isla markaana mar dambe Bisha Octoobar aysan qaraxyo ka dhici doonin Isgoyska Soobe ayna ka adkaan doonaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si carro leh u sheegay in Al-Shabaab aysan wax qiil ah u heyn dadkii ay kudileen qaraxyadii Soobe, isaga oo sheegay in qaar kamid ah Gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo dowladdu kula jirto Al-Shabaab.