AKHRISO:- Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Muqdisho

0

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweye Mustafe Cagjar ayaa waxa uuugu horreyn walaalaha Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibaatadii iyo mashaqadii ka dhalatay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee ay dadka badani ku waxyeeloobeen, ” Alle ha u naxariisto maatida Al-Shabaab ay ku gumaaday magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayuu yiri”.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Al Shabaab iyo dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya ay ahayd khatar aan xilligeedii laga hortagin, isagoo yiri ” Qaraxyada laga uur-ku-taaloonayo waxay ku bilaabmeen fikir qaldan oo xiligisii laga hortaagi waayay, Maantase waa la isku raacsan yahay in Alshabaab ay maalin qabasho lahayd”.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu carrabka ku adkeeyay inay Waajib damiireed iyo mid diimeedba ay tahay in meel looga soo wada jeesto oo lala dagaallamo dadka wada waxa uu ku tilmaamay fikirka qaloocan iyo xagjirnimada oo uu sheegay inay dhibaato badan horseedi karaan.

Qaar kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay qaraxyada, iyaga oo qaarkood sheegay inay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.