AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Amiirka Qatar?

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa maadaama uu ka dhaxeeyo mid soo jireen ah lana adkeeyo.

Hogaamiyayaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo tan gobolka iyo dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee xilligaan ka socda Goblada dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa kusoo aaday labo maalin kadib markii dowladda Soomaaliya ay sagootisay safiirkii Qatar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Haashim.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi usoo magacaabatay safiirka cusub ee Qatar u fadhin doona Soomaaliya, kaas oo dhawaan shaqa bilaabi doono.

Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee saamaynta xooggan ku leh arrimaha siyaasada Soomaaliya. Dowladdii hore ayay si dhow u soo wada shaqeeyeen, waxaana dhawaan Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya Mahad Salaad uu isna safarro aan la shaacin ku tagay dalkaas, si uu usoo celiyo taageeradii dowladda Qatar u fidin jirtay hay’adda NISA.