AKHRISO:- Kal-fadhigi Golaha wakiilada Puntland Maxaa looga hadlay Maanta?

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 51-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.