AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay howlgalka lagula wareegay degaanka Qaayib

0

Warsaxaafaeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa bogaadiyay ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankab ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay Shabaab ayaa lagu yiri” Qoraalka

Degaanka Qaayiib waa deegaan ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab, halkaas oo u aheyd maxkamad, sidoo kalena ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka fuliyaan degaannada kale.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo degaannada Galmudug.