AKHRISO:-Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin la xiriirta Roobab daadad wata.

0

Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab daadad wata oo ka da’I kara degaano kuyaalla Gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ee bisha Oktobar ay saadaashu muujineeyso in uu roobka Dayrtu u soo guurayo dhinaca gobollada dhexe iyo qeeyb ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka.

Hay’adda ayaa Gobolada laga cabsi qabo inay ka da’een Roobabka waxaa ay ku sheegtay Gobollada Togdheer, Nugaal, Sool, Mudug, Galguduud, Koonfurta-gobolka Woqooyi-galbeed, Koonfurta-gobolka Bari, Koonfurta-gobolka Sanaag woqooyiga-gobolka Hiiraan iyo Bariga-gobolka Bakoo, kuwaas oo sida ay saadaashu sheegeeyso ay asbuucan heli doonaan roobab ah inta u dhexeeysa 10 – 100 (mm)

“ Hadii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegeeyso waxay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi doonaan khatar kaga timaadda halista daadadka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan.

Gobollada kale ee dalka sida: Awdal, Gedo, Jubada-dhexe, Jubada-hoose, Baay, shabeelaha-dhexe, Shabeelaha-hoose, iyo Banaadir waxay asbuucan heli doonaan roob aan sidaas u badneeyn kaas oo xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darteed ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.

Warkaan kasoo baxay Hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli roob xoogan oo shalay ilaa xalay ka da’ay Magaalada Qardho uu sababay in daadad xogana y kusoo rogmadaan Gudaha Magaalada, isla markaana dad ay ku dhintaan.