AKHRISO:- RW Xamse oo ku baaqay in loo gurmado dadka Reer Hiiraan ee kujira dagaalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaallada ka socda Gobolka Hiiraan iyo sida dadka Reer Hiiraan isku difaacayaan.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Bulshada kunool Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo ku dhiiraday inay iska celiyaan Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato farabadan ku hayeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka Soomaaliyeed ee kunool dowlad Goboleedyada kajira dalka oo ay kamid tahay Somaliland looga baahan yahay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka Reer Hiiŕaan, isla markaana kala qeyb galaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli weli qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo iskaashanaya iyo Al-Shabaab.