AKHRISO:- Dowladda oo ku dhawaaqday in degaano korleh uu ka bilaabanayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin Guud ka bixisay howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobolada dalka, kaas oo ay siwadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooggad dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaannada ee is abaabulay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sareeya guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgallada ay si wanaagsan xilligaan uga socdaan goboladii ay ka bilaawdeen, isla markaana guulo badan laga gaaray.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in dowlad Goboleedyada kale ee dalka, sida Maamulka koonfur Galbeed oo ay abaabul dagaal ka wadaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga iyo sidoo kale degaannada Gobolka Jubbada Hoos ee Maamulka Jubbaland iyo Mamulka Hir-Sabeelle ay abaabulka ka socdaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in guud ahaan dalka ay siwadajir ah uga bilaabanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoogga ugu badan la gelin doono sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa Gobolka Jubbada Dhexe.