AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo Midowga Afrika kala hadashay taageerada dagaalka Hiiraan

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Marwo Lisa Flipetto oo ah madaxa Xafiiska tageerada ee Qaramada Midoobay waxayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay doorkooda ku aadan taageerida ay siiyaan CXDS.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Ku xigeenka ergayga gaarka ah Midowga Africa ee Soomaaliya Marwo Fiona Lortan waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardargelin lahaa howgalada kadhanka ah Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kooxda hadda laga xoreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awooda ciidanka xoogga dalka.