AKHRISO:- Dowladda Somaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka

0

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kusugan magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayaa kulamo horudhac ah la qaatay labada hay’adood ee kor ku xusun.

Wasiir Cilmi ayaa dowladda Soomaaliya ku metelidoona shir weyn oo looga hadli doono arrimaha maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta iyo hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in wasiirku inta uu Washington joogo uu kulamo la yeelan doono hey’adaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale oo ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la qaadanayay deeq bixiyayaasha WorldBank iyo hay’adaha kale ee maaliyaddeed, isagoo kala hadlay xoojinta hanaanka maaliyadeed iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyo bixinta adeegyada aasaasiga.

Bishii May ee sannadkan, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay kordhiso muddada ay ku bixinayso barnaamijka kaalmada maaliyadeed ee Soomaaliya. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay hoggaanka dalka.