QORMO:- Yaa Diidan Dagaalka Macawisleeyda ?

0

Inta aanan ka jawaabin su,ashan waxaan jecleystay in aan idin la wadaago sheeko Soomaali gaaban taas oo u dhigan sidatan. Berigii hore miyiga Somalia waxaa la iskugu imaan jiray ciyaar habeen kii lagu caweeyo laguna wada haasaaweeyo, markii dowlad nimada casriga ah la helay, waxaa bilaabatay in eey gabdhaha caweys ka yimaada eey shukaansan karaa ragga sarwaal luungaha wata oo qura, haddii aadan wadan surwaal aan lagula hadleyn oodan waxba shukaansan karin.

Sarwaalku markaas waxuu ka turjumayaa classs ama dabaqad, ilbaxnimo iyo dhaqaale. Xariif aan heysan ama aan heli karin sarwaal luunge ayaa habeen kii danbe yimid goobtii Ciyaarta, markuu waayay wax la hadla, oo la sheekeysta ama la haasaaweeya , ayuu inta dharkii iska soo bixiyay oo asoo mudh ah oo qaawan yidhi inteena sarwaal luungaha wadata dhinac noo bixiya aan tashanee, hadda waaba nin mudh ah oo sidii hooyadii ku dhashay ah ninkaas leh inteena sarwaal luungaha wadata dhinac noo bixiya.

Aan usoo laabto jawaabta yaa diidan dagaalka macawisleeyda, waxaa diidan inta mudh ka ah ee qaawan oon laheyn ama matelin dad iyo deegaan ee raba in la iska ahaado sida hadda la yahay ee nin qaawan oon qofna matelin xil iyo xoolo ku heysto Xamar.

1: Waxaa diidan inta aan deegaan kooda shabaab heysan, ee ku raaxeysanaya ( the pain of others) xanuunka dadka kale heysta.

2: Waxaa diidan inta aan dal, dad, iyo deegaan midna aan metelin ee dowlad nimada dulsaarka ku ah, ee qeyliya marka wax la qeysanaayo, ee la waayo meel eey jaan iyo cirib dhigeen marka cadowga la iska xoreynaayo.

3: Waxaa diidan madaxda maamulada qaarkood ee cimrigoodu dhamaanayo marka cadowga la iska xoreeyo oo dalka iyo dadku isku furmaan.

4: Waxaa diidan Amisom ama ATMIS iyo in badan oo xalane jooga oo wixii eey muddo dheer kusoo qaban waayeen, maalmo lagu soo afjari rabo.

5: Waxaa diidan tijaarul xarbiga (war profiters ka) inta dagaaladda Somalia si dadban ama si muuqata uga faa’iiday oo ganacsatadu ugu horeyso.

6: Waxaa diidan dalaaliinta, siyaasiinta ama muqalasiinta u dhexeeya Shabaab iyo Shacab ka.

7: Waxaa diidan qaar ka mid ah wadamada dariska ee raba in eysan xaaladeena waxba iska bedelin.

8: Waxaa diidan qaar ka mid ah wadamada region ka ama Gobolka ee eey ugu caanabadiso in aan saan ahaano.

9: Waxaa diidan intii dalkaan inta horay xil uga soo qabatay ee aan la dagaalin Shabaab, ee raba in aan gadaashood roob di’in oon shaqo la qaban.

10: Waxaa diidan haraadigii hogaamiye kooxeedyada oo aan rabin in aan dimuqraadiyad iyo cod shacab midna la gaarin.

11: Waxaa diidan in is diidan oon libbin isku ogoleyn oo ka tirsan maamulkaada.

Madaxweyne Hassan Sheikh isaga oo og in eey intaas diidan yihiin, dagaal kan ha wado waana uu ku guuleysanayaa haddii alle idmo. Isaga oo niyada ku haaya hadalkii Axmadeey Cabdi Gaashaan ee ahaa “Minaan ullo qaado, ay uleey imoodo
Ooyoow ma aqaani, waa leyga ordaa”
Macawisleey si loo xaliyo ama loola dhaqmo waa la yaqaan ee yaa aqaan si Shabaab iyo inta aan sarwaal luungaha wadan si loola dhaqmo.

فَشُدُّوا الْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَاءً حَتَّى تَضَعَ الْحَرْبُ أَوْزَارَهَا

Waxaa qoray C/naasir Geelle Cilmi

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Galmudug