AKHRISO:- Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay degaano katirsan Hiiraan

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6 aad Guutada 16 aad ee Kumaandooska DANAB & Guutada 5 aad ee Qeybta 27 aad ee Ururuka 8 aad Guutada 18aad Kumaandooska Gorgor ayaa howlgallo amni xaqiijin ah kawada degaano dhowaan laga saaray Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla Gobolka Hiiraan.

Degaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa kamid ah, Ceel la helay, Nuur Fanax, Beer xaane,Baardheere, Booco, Garasyaani iyo degaano kale oo dhaca jiin Wabiga Shabeelle.

Howlgallada waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Dadka kudhaqa degaannada ay la wareegeen Ciidanka xoogga ay soo dhaweeyeen lawareegitaanka degaannadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho ku maraya degaannada laga saaray Al-Shabaab, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.