AKHRISO:- Waa Maxay Qodobada Ugu Waaweyn Ee Loogaga Hadlayo Kulanka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay

0

Kulanka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay oo ah kii 77aad ayaa lagu wadaa in toddobaadkan diirada lagu saaro Duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo dhibaatada cunnada ee adduunka oo uu sii xumeeyay dagaalku.

Hase yeeshee lama filayo in isu imaatinka uu keeno wax horumar ah oo lagu soo afjarayo colaadda.
“Waxay noqon lahayd wax aan caqli-gal ahayn in aan ku fikirno inaan ku dhownahay suurtagalnimada heshiis nabadeed,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Sabtidii kahor kulanka heerka sare ee 193-ka waddan ee xubnaha ka ah, kaasoo bilaabmaya Talaadada.

“Fursadaha heshiis nabadeed ayaa ah mid aad u yar xilligan.”ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kala qaybsanaan siyaasadeed oo uu sababay dagaalka todobada bilood socday ayaa banaanka u timid, iyadoo Maraykanka iyo xulafada reer galbeedka ay ku loolamayaan Ruushka saamaynta diblomaasiyadeed.

Intaa waxaa dheer, danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay kula kulmaan dublamaasiyiinta Ruushka.

“Waxa ay xiisaynayaan inay sii wadaan oo ay kor u qaadaan dagaalkan aan loo baahnayn ee Ukraine, “ayay tiri Thomas-Greenfield. Wuxayna intaa ku sii dartay in dagaalka Ukraine laga wada hadli doono, balse aan la iska indho tiri karin inta kale ee adduunka.

Ruushka iyo Ukraine waa dhoofiyayaal waaweyn ee miraha la quuto, Qaramada Midoobayna waxay dagaalka ku eedaysay dhibaatada cunnada ee ka sii daraysa ee ay horay u sii hurisay isbeddelka cimilada iyo masiibada COVID-19.

Ruushka ayaa isku deyayay in uu meesha ka saaro go’doominta caalamiga ah kadib markii ku dhawaad afar meelood saddex meel Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay u codeeyeen in la cambaareeyo Moscow ayna ka dalbadaan in ay ciidamadooda kala baxdo usbuuc gudihiis markii 24-kii February ay weerar ku qaadeen dalka ay dariska yihiin ee Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken, iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhammaantood booqasho ku tagay dalal Afrikaan ah dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, iyaga oo ku loolamaya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen. Qaaradda Afrika, oo ay si aad ah u saameysay macaluul la filayo in looga dhawaaqo dalka Soomaaliya bilaha soo socda.

Madaxweynaha Faransiiska Macron waxa uu damacsan yahay in booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku joogo New York uu u ololeeyo dalalka aan dhexdhexaadka ka ahayn dagaalka si ay isugu dayaan inay la saftaan reer galbeedka, saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay, isagoo diiradda saaraya Hindiya, waddamada Khaliijka, Afrika iyo qaar ka mid ah Latin America.

Labadii sano ee la soo dhaafay, hoggaamiyeyaasha waxaa loo oggolaaday inay soo gudbiyaan qudbadahooda si muuqaal ah sababo la xiriira cudurka Covid 19, laakiin sanadkan waa inay u safraan Magaalada New York si ay ugala hadlaan fadhiga UNGA. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa soo diraya wasiiradooda arrimaha dibadda.

Si kastaba ha ahaatee, UNGA waxay ogolaatay in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy u soo diro muuqaal ah oo horay loo duubay. Go’aanka ayaa lagu ansixiyay 101 mudane, waxaa diiday 7 mudane, halka ay ka aamuseen 19 mudane. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa la filayaa inuu ka soo qeyb galo.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa isna u safraya New York. In kasta oo aanay suurtogal ahayn in Tehran iyo Washington ay ka gudbaan caqabada ku aaddan badbaadinta heshiiska nukliyeerka ee 2015 dhawaan, Iran waxay isticmaali doontaa isu imaatinka si ay kubbadda diblumaasiyadeed u sii socoto iyadoo ku celinaysa rabitaankeeda ah inla gaaro heshiis waara.

Xigasho;Aljazeera