AKHRISO;- Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hir-Shabeelle oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Moxamed Islaam ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Maamulkaasi Jubaland.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay masuuliyiinta kala duwan ee Jubaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowladaha Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle oo faah faahinayay waxyaabihii ay kulanka uga wada hadleen ayaa sheegay inay diirada saareen sidii midnimo u muujin lahaayeen, isla markaana danta qaranka uga wada shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Wasiir Cabdirashiid in Madaxweynaha uu faray Xubnaha labada Golle inay dib ugu soo laabtaan degaannada Jubbaland, isla markaana ay ka qeyb galaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqasho ugu tagay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka Sharif Sheikh Ahmed isagoo ugu horeyn uga tacsiyeeyay geerida ku timid hooyo Xasno Cabdulle Isaaq.

Madaxweynaha ayaa murugada iyo tiiraanyada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday marxuumada, waxa uuna Alle uga baryay inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.