AKHRISO:- Saraakiil Ciidan oo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Galgaduud

0

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, qaar kamid ah maamulada degaannada Galmudug iyo dadka degaanka oo is abaabulay ayaa degaano katirsan gobolka Galgaduud ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Degaanka Cadakibir oo u dhow degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray Saraakiil katirsan ciidamada Millateriga Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaannada Gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah Horjoogayaasha dadka degaanka ee is abaabulay ayaa sheegay inay xilligaan diyaar u yihiin inay naftooda iyo maalkooda ka difaacdaan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku weerari doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galaduud.

Taliyaha Guutada 1aad ee qeybta 12-ka Apriil Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Jaamici) & Abaanduulaha guutada 6aad ee qeybta 60aad Warsame Diirshe Xuseen ayaa dhankooda sheegay in Al-Shabaab ay mar walba u taagan yihiin inay dadka dhibaateeyaan, hayeeshee Ciidamada xoogga dalka ay garab istaagi doonaan dadka degaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa degaano katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ku dagaalamay dadka degaanka oo hubka qaatay iyo Xubno katirsan Al-Shabaab oo soo weeraray, taas oo xoojisay in dad badan ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.