AKHRISO:- Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Wasiirada dalalka Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa ka qayb galay shirka 158-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka furmay Maaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlay iskaashiga dawladaha Carabta iyo arrimaha hadda taagan ee khuseeya waddamada carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee saamaynta ku leh shucuubta Carabta.

Waxaa shirka si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha oo xilligaan dhibaato ku haaya Shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Wasiirada ka qeyb galaya shirka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa dood ka yeeshay sida taageero xoogan loo siin lahaa Dowladda Soomaaliya, iyaga oo qaarkood talooyin soo jeediyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo wafdiga la socda ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doona qaar kamid ah Wasiirada Arrimo dibadeedyada ka qeyb galaya Shirka