AKHRISO:- Weerar madaafiic ah oo lagu qaaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada liyuu Boolis

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Yeed oo katirsan Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in Saldhig Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka halkaasi ku leeyihiin ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada liyuu Boolis, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada liyuu Boolis, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada liyuu Boolis dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Yeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la woo dhaafay ay kordheen howlgallada ay sameeynayaan Ciidamada liyuu Boolis maadama dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ka geysteen Xadka Gobolka Bakool & dowlad deganka Soomaalida.