AKHRISO:- Xaaladda dadkii ka barakacay dagaallada Hiiraan oo laga deyrinayo & mas’uuliyiin booqday

0

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Bashiir Cabdiraxman sheekeeye iyo masuuliyiin ka’tirsan Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo u Hogaaminayo wasiirka cafmaadka Maamulkaas ayaa maanta kormeeray kaamam aay ku sugnaayan shacabkii ka soo Barakacay dagaallada u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dadka oo kasoo barakacay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka hiiraan ayaa qaarkood waxaa dhawaan guryahooda gubay, isla markaana duugay ceelkii biyaha ay ku cabi lahaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa warbixin ka siiyey masuuliyiinta xaalada Barakacyaasha xubnaha wasiirada ee madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle u xilsaaray Xaqiijinta xaaladaha deganada laga saaray Al-Shabaab iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa Bulshadda.

Guddoomiyaha Degmada Matabaan aya xusay muhiimada ay leedahay in shacabka loo fidiyo gargaar Dowladnimo oo dhameeystiran maadaama dhibaatooyin badan aay u geeysteen shacabka Birimageey’dada ah Al-Shabaab oo guryihii iyo ceelashii ka aaseen.

Degaanno badan oo hoostaga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii la so dhaafay waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyada oo laga deyrinayo dadka ka barakacay dagaalladii dhex-maray Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.