AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo wafdi u diray degmada Bardaale

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga gudaha Koonfur Galbeed Mohamed Isaaq Cabdi ayaa maanta u amba baxey degmada berdaale ee gobolka baay.

Wafdiga ayaa wasiirka ku weheliya wasiiru dowlaha madaxtooyada, gudoomiyaha gobolka baay iyo Taliyaha ciidanka darawiishta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka mas’uuliyiintaan ayaa waxaa uu yahay u kuurgelida xaaladda dadka kunool degmada Bardaale iyo sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Wafdiga Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & kuwa daraawiishta, iyaga oo kala hadli doona dardar gelinta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.